Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir saacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaanada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa hayadaha gaargaarka sida UNka, kuwa caalami ah iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaanada Galmudug.
Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Gargaarka, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Tamarta biyaha iyo Kheyraadka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hayadihii kasoo qeyb galay kulanka ay isla jeexjeexeen saameenta abaarta ay kuyeelatay Galmudug.
Maxwayne Ahmed ayaa waxaa uu sheegay in abaarta ay saameesay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo kusugan degmooyinka iyo deegaanada Maamulka Galmudug, iyadoona Madaxwaynaha uu uga mahad celiayay howsha ballaaran oo ay wadaan wasaaradaha Galmudug iyo hayadaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.
Madaxwaynaha ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga u dhinteen biya la’aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana Madaxwaynaha sidoo kale uu soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay uxirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan kusoo wajahday ardaydii dhiganaysay.
Madaxwaynaha ayaa baaq u diray hayadaha caalamiga ah isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax kaqabashada abaaraha xoogan ee saameeyay Galmudug, waxana Madaxwaynaha uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka kasoo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.
Ugu danbayn, Madaxwaynaha ayaa sheegay in abaartu ay kadhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoona suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah maadama ay Galmudug kow katahay deegaanada ay abaartu saameesay.
https://www.youtube.com/watch?v=ESuByydjDKA&t=2s