Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka kormeeray dhismaha xarunta lagu keydin-doono keydka taariikhda qaranka iyo casriyeynta taaladda diyaarada ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray goobaha uu kormeeray warbiximo kaga dhegeystay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo isagu gacanta ku haya dhismaayaasha Xarumahaasi.
Dhismeyaashan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Somaliland, ayaa wakhtigan ku dhaw Gebegebo, waxaanu madaxweynuhu masuuliyiinta iyo shirkadaha gacanta ku haya faray inay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan wixii ka dhiman iyagoo dhawraya wakhtiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=ESuByydjDKA