Allbanaadir.com
NEWS

Raisul wasaare Abiy Axmed oo shaqada ka eryey Saraakiil hor leh, kuwo cusubna ku bedelay

Dowladda Itoobiya ayaa shaqada ka ceyrisay shanta taliye ee ugu sarrayso xabsiyada dalkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shantaasi sarkaal uu ku baddalay saraakiil cusub oo hoggaamin doono maamulka xabsiyada Itoobiya.

Jeneraal General Berhanu Tsegaye wuxuu sheegay in saraakiisha shaqada laga tiray ay gabeen shaqadooda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya wuxuu sheegay in maxaabiista aysan helin daryeel islamarkaasna xuquuqda aadanaha aan laga qaddarin xabsiyada Itoobiya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah isbedelada uu dalkaas ka wado Ra’isul wasaare Abiy Axmed kuwaasoo lagu sameynayey siyaasadaaha dowlada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa kuma Ninka Muslimka ah ee laga yaabo inuu noqdo RW cusub ee Britain?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Somalia & wafdi uu horkacayo oo saaka ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Kenya kala hadashay gardarada iyo xad-gudubka Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---