Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashada Puntland oo is casilay (Akhriso Sababta)

Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Puntland Caynaanshe Yusuf Xuseen, ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilka uu ka hayay guddiga doorashada iyo sidoo kale xubanimadii guddigaasi.

Qoraal uu soo saaray Caynaanshe Yuusuf ayuu ku ogeesiiyay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble , Madaxweynaha Puntland iyo guddiga doorashooyinka in uu is casilay kamid ahaanshaha guddiga doorashada.

Guddoomiye kuxigeenkii Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Puntland, ayaana is casilaadiisa ku sheegay mid shaqsi ah,waxa uuna u mahad celiyay guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed uu lasoo shaqeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya Caynaanshe Yusuf Xuseen in sababaha uu isku casilay in ay tahay in uu doonayo in uu kusoo sharaxo kursiga Hop#220, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=wqsMo3bOGcA

Related posts

Kenya oo beenisay iney dalkeeda ka soo eriday danjirihii dowladda Somalia

Caydiid Ali

Hotelka Xayaat oo la burburiyay iyo Shacabka oo layaaban hab dhaqanka Ciidanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kormeerkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tagay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---