Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Ukraine iyo kuwa dalkaasi ka baxsaday ee ku dhibaateesan xadka Ukraine la wadaagto waddamo ay ku jirto Poland.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu wargeliyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku sugan dalka Ukraine in dalalka deriska ah sida Poland, Slovakia, Hungary, Moldova, Romania ay u xaqiijiyeen dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in la siin doono si nabad ah, isla markaana loo diyaar garoobay sidii loola tacaali lahaa qulqulka dadka oo ka soo qaxay Ukraine.
”Safaaradaha aan ku leenahay Brussels iyo Berlin ayaa weli xiriir joogto ah la leh 280 qof oo Soomaali ah. Waxaa nalagu wargeliyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo si nabad ah ku gaaray Poland, kuwa ku sii jeeda Poland iyo kuwa kale oo aan awoodin inay ka gudbaan xuduudaha Medyka-Shehyni iyo Budomierz-Hrushiv.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Brussels iyo Berlin in ay wax badan ka qabteen badbaadinta iyo la socodka Soomaalida ku go’doonsan Ukraine , waxa ayna wasaaradda ka codsatay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan waraaqaha aqoonsiga inay la xiriiraan safaaradaha Brussels iyo Berlin.
”Waxaan ku boorineynaa wadamada deriska ah inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay siiyaan marin aan xannibnayn dhammaan Afrikaanka ka soo gudbaya xadka Ukraine. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wakiilo rasmi ah u diri doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay u helaan kaararka aqoonsiga ee saxda ah si ay uga gudbaan xuduudaha” aya alagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka baxsaday colaada dalka Ukraine ayaa ku dhibaateesan xuduuda dalkaasi la wadaago Poland iyo waddamo kale, waxa ayna muwaadiniinta Soomaaliyeed isku dayayaan in ay helaan meel ammaan ah oo ay kunoolaadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=wqsMo3bOGcA