Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah Madaxda Jabhada ONLF dhawaana laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya ayaa ka dhoofay magaalada addis ababa.
Qalbi-dhagax ayaa ku wajahan Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa Sawirro laga soo qaaday Cabdikariin Qalbi Dhagax isaga oo ku sugan qeybta VIP-da ee ay ku nastaan dadka madaxda ah ee garoonka dayuuradaha Bole ee magaalada Addis Ababa.
Qalbi dhagax wuxuu yiri “ waxaaan fadhiya hadda VIP-ga eerboorka Addis Ababa , waxaanu safar uga socdaa magaalada Nairobi. Xaaladdaydu aad ayay u fiicantahay alxamdulilah, halkan aan fadhiya hadda waa goobta ay ka dhoofi jireen madaxda ugu sarraysa dalka”
Xubno ka tirsan Eheladiisa iyo Saaxiibadiisa gaarka ah ayaa garoonka ka sii sagootiyey, waxaan la filayaa in caawa ay ku hoydaan Magaalada Nairobi.
Waxaa uu Nairobi kula kulmi doonaa qoyskiisa oo aysan is arkin muddo sanad ka badan oo uu ku xirnaa magaalada adis ababa, waana safarkii ugu horeeyey ee uu kaga ambabaxo itoobiya tan iyo markii halkaas lagu xiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com