Allbanaadir.com
MUQDISHO

Dhaqaalaha Ruushka oo dhulka galay iyo xaalad adag oo soo wajahday Putin

Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar-ba, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5.

Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee isku xira islamarkaana ay lacagaha isugu diraan Bankiyada Caalamka.

Ruble-ka ayaa markii horeba si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego lacagaha waa weyn ee caalamka, kadib markii dadka Ruushka ay safaf dhaadheer u galeen ATM-yada, si ay lacagahooda ugala baxaan islamarkaana ugu bedeshaan lacago shisheeye kahor inta aanu ku dhicin qiimo dhac kale.

Bankiga Dhexe ee Ruushka ayaa maanta sheegay inuu qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin in heerka dul-saarka sare loo qaaday boqolkiiba 20, halkii markii hore uu ka ahaa 9.5 boqlkiiba, “si loo taageero xasilloonida maaliyadda iyo qiimaha, loogana hortago qiimo dhac ku yimaada keydka lacageed ee shacabka.”

 

Related posts

Maxaa ka jira in la hakiyey doorashada kursiga HOP-86 ee Fahad Yaasiin uu daneynayo?

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Maxaabiistii Israa’iil looga heystay Gaza oo geeriyooday

Caydiid Ali

Britain oo shaacisay iney wadahadal u fureyso dowladaha Somalia & Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---