Allbanaadir.com
NEWS

Wadamo hor leh oo la filayo in ay cunaqabateyn kusoo rogaan Madaxda Soomaalida qaarkood

Dowladda Mareykanka ayaa dhawwaan xayiraad dhinaca socdaalka ah kusoo rogtay Madax iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay caqabad ku noqdeen socoshada doorashada Soomaaliya ee kadib dhacday waqtigii loo qorsheeyay.

Hoggaamiyaasha  Soomaalida ee xayiraada dhinaca socdaalka Mareykanka kusoo rogay ayaa magacyadooda wali la shaacin, waxaana sida aan xoggaha ku helnay ku jira madax katirsan dowladda federaalka, madaxda maamulada qaar iyo siyaasiyiin caan ah.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan tallaabooyin lagu balaarinayo waddamada cunaqabateyn dhinaca socdaalka kusoo rogaya madaxda Soomaalida ee caqabada ku noqday habsami u socodka doorashada Soomaaliya.

Dalal badan oo xulafo iyo la mawqif ah Mareykanka, oo ay ka mid yihiin; Djibouti, Ethiopia, Italy, Norway, Kenya, Qatar, Sweden, Turkey, UAE, Uganda, iyo UK, ayaa lagu wadaa in ay dhawaan siyaabo kala duwan ugu biiraan arrinta cunaqabateynta madaxda Soomaalida.

Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadineysa wadamadda xiriirka dhaw la leh in ay kusoo biiraan cunaqabateynta dhinaca socdaalka ee lagu soo rogayo hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya iyo xubno katirsan qoysaskooda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daanyeer lagu daray Liiska dembiilayaasha loogu doontisa badan yahay dalka Japan

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeean oo dhaawacay askari

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo digniin ka soo saartay dhibaato ku soo wajahan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---