Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali badan oo baxsad ah oo ku xayiran Xadka ay wadaagaan Ukraine iyo Poland

Dalka Ukraine waxaa ka socda barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka u dhashay dalkaasi iyo sidoo kale dadka kale ee ajaaniibta ah oo siyaabo kala duwan dalkaasi ugu noolaa, waxaana barakacan sababay duulaanka xooggan ee Ruushka ku qaaday dalkaasi.

Dadka ka qaxaya colaada ka taagan dalka Ukraine waxaa ku jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkaasi kunoolaa , waxa ayna Soomaalida isugu jiraan kuwa waxbarasho dalkaasi u joogay iyo kuwa kale oo qaxooti ahaan dalkaasi u joogay.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka cararay dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa hada ku xayiran xadka dalkaasi la wadaago Poland, waxa ayna dadkan Soomaaliyeed baadi goob ugu jiraan meel dhaanta dalka Ukraine .

Axmed Cabdullaahi, oo kamid ah Soomaalida ku nooleyd dalka Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo Soomaali kale ay lugeenayeen 40-km si ay uga baxsadaan duulaanka Ruushka kusoo qaaday dalka Ukraine.

Waxa uu sheegay Axmed in hada joogaan xadka ay wadaagaan Ukarine iyo Poland, waxa uuna xusay in ay ku adkaatay in xadka ka gudbaan isagoo tilmaamay in lakala soocayo dadka u dhashay Ukraine iyo dadka kale ee ajaaniibta ah ee colaada ka baxsanaya.

Axmed ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku sugan xadka Poland la wadaago Ukraine in ay gaarayaan ilaa 150-qof uu sheegay in ay isugu jiraan rag iyo dumar dalkaasi u joogay qaarkood waxbarasho halka kuwa kalana ahaayeen qaxooti.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ukraine in ay la xariiraan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Biljamka iyo Jarmalka si arintooda wax looga qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI&t=31s

Related posts

Maraykanka oo digniin adag siiyey Milateriga afgembiga ka sameeyey Sudan

Caydiid Ali

FBI oo digniin adag ka bixisay weeraro ku soo wajahan gudaha Mareykanka

Caydiid Ali

Shirka golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Qodobo muhiim ah oo looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---