Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Maamulkii magaalada Baydhabo oo xilka laga qaaday iyo Maamul cusub oo la magacaabay

Wasaaradda arrimaha guddaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa isbadal ku sameesay maamulkii magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii magaalada Baydhabo iyo labo kamid ah kuxigeenadiisa.

Wasiirka ayaana u magacaabay guddoomiyaha iyo duqa cusub ee magaalada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo horey xilkan usoo qabtay, waxaa sidoo kale la magacaabay kuxigeenka guddoomiyaha ee dhinaca maaliyadda iyo arrimaha bulshada.

Xil ka qaadista iyo magacaabista maamulka magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadeysa xilli magaaladaasi wali ka socoto doorashada xildhhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI&t=31s

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Jubbaland oo la doortay (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo markiisa qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey xiisada ka aloosan Bariga dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---