Allbanaadir.com
NEWS

Ogow tirada Xildhibaanada la doortay, inta Dhiman & sida maamulada ugu kala horeeyaan

Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka kooban 275-Xildhibaan ayaa hada maraya heer gebogebo ah, waxaana hada doortay 67% Xildhibaanada gollaha shacabka.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa soo saaray xog ku aadan tirada Xildhibaanada gollaha shacabka ee ilaa hada la doortay iyo inta harsan, waxa ay sidoo kale guddiga shaaciyeen sida maamulada ugu kala horeeyaan doorashada.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada waxaa ilaa hada la doortay 185-Xildhibaan oo 45 kamid ah yihiin dumar, waxaana harsan 90-kursi oo iyana la filayo in maalmaha soo socda lasoo gabagabeeyo doorashadooda.

Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo gollaha shacabka ku leh 46 kursi ayaa soo gabagabeeyay doorashada, waxaa sidoo kale soo gabagabeeyay doorashada beelaha Banaadiriga oo iyana kuraasta gollaha shacabka ku leh ilaa 5-kursi.

Maamulada wali ku harsan yihiin doorashada waxaa ugu horeeya  Puntland oo ay ku harsan yihiin 22-kursi halka Jubbaland oo kusoo xiga u harsan yihiin 20-kursi, maamulka Galmudug ayaana kuraasta ugu yar u harsan yihiin ,  waxaana u dhiman kaliya 11-kursi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI&t=31s

Related posts

Duqa Muqdisho & Gudoomiyeyaasha degmooyinka oo Qodobo muhiim ah ka wada hadlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne amar ku bixiyay in la toogto dadka diida xayiraada Caronavirus !!

Cabdi Cade

Dalka marti-gelinaya kulanka labaad ee Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---