Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Bankole Adeoye iyo Xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Midowga Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, mustaqbalka waajibaadka shaqo ee hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladaha amni iyo horumar ee Gobolka.
 
Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye oo uu weheliyey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo bogaadiyey horumarka Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka, amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
 
Kulankan waxaa Madaxwaynaha ku weheliyey Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha XFS ee xiriirka la leh arrimaha hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad galabta lasoo taagay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Maxkamada oo diiday in …

admin

Liz Truss oo ka digtay in Putin Dagaalka Ukraine u adeegsado Hub halis badan

Cabdi Cade

Dad loo xir xiray dil xalay loo geestay Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame

Cabdi Cade
Taboola Ads ---