Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Putin oo amar siiyay Ciidamada Ruushka u qaabilsan Isticmaalka hubka Nukliyeerka

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada milatariga Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa meel adag maraya, waxaana dagaalka ka socda dalka Ukraine laga cabsi qabaa in faraha kasii baxo una gudbo wadamo kale.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ammar ku siiyay ciidamada milatariga Ruushka gaar ahaan cutubka qaabilsan hubka Nukliyeerka in ay galaan heegan iyo diyaar garow buuxa.

Putin ayaana faray wasaarada gaashaandhigga iyo saraakiisha ciidamada qaabilsan hubka Nukliyeerka in ay galaan heegan sare oo khaas ah, si looga hortago khataro uu sheegay in ay uga imaan karaan meelo kale.

Madaxweyne Putin ayaa u sheegay saraakiisha ugu sareysa milatariga Ruushka in dalalka Reer Galbeedku ay sameeyeen ficillo aan saaxiibtinnimo ahayn, waxa uuna cadeeyay in ay u muujiyeen cadaawad kuna soo rogeyn cunaqabateyno sharci darro ah.

Putin ayaana ugu goodiyay wadamada reer Galbeedka in ay kula xisaabtami doonaan cadaawada ay ku hayaan iyo cunaqabateyn ay kusoo rogeen, waxaana Ruushka  laga cabsi qabaa in uu qaado talaabooyin hor leh oo ka careesiiya reer Galbeedka.

Dagaalka ka qarxay dalka Ruushka ayaana laga muujinayaa dareen cabsi, waxaana walaaca sii kordhiyay ammar uu ku bixiyay Madaxweyne Putin in heegan la galiyo ciidamada qaabilsan hubka Nukliyeerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray dowlada Somalia

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dab qabsaday Suuqa weyn ee Jigjiga

Caydiid Ali

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay madaxda Midowga Afrika? (Sawirro)

Caydiid Ali