Dagaal xooggan oo galay maalintii afaraad ayaa gudaha dalka Ukraine ku dhax maraya ciidamada difaaca dalkaasi iyo ciidamada Ruushka oo duulaan ku qaaday, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa siyaabo kala duwan dagaalka guulo uga sheegtay, waxa uuna midbo midka kale sheegay in dhinaca kasoo horjeeda dagaalka ku jabiyeen kuna gaarsiiyeen khasaaro badan.
Milatariga Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine Kharkiv, waxa ay sidoo kale ciidamada Ruushka isku dayayaan in ay galaan magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine.
Wasiir ku xigeenka difaaca dalka Ukraine ayaa qoraal uu soo saaray kusoo bandhigay khasaaro uu sheegay in dagaalka socda ku gaarsiiyeen ciidamada Ruushka ee duulaanka kusoo qaaday dalkooda.
Waxa uu sheegay Wasiirka in ciidankooda dagaalka ku dileen 4,300 oo katirsan ciidamada Ruushka sidoo kale dhaawaceen tiro intaas ka badan, waxa uu sidoo kale soo bandhigay khasaaraha milatari ee dagaalka kasoo gaaray Ruushka.
Halkan ka akhriso khasaaraha uu wasiirka Ukraine katirsan soo bandhigay
•4,300 oo dhimasho ah
•27 diyaaradood
•26 helikobtar
•146 taangi
•706 baabuurta gaashaaman ee dagaalka
• 49 madfac
•1 Nidaamka difaaca hawada Buk
• 4 Grad hababka riditaanka gantaallada badan
•30 baabuur
•60 booyadood
•2 diyaaradood oo drons-ka ah
•2 doomood
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI&t=31s