Allbanaadir.com
NEWS

Wiil uu dhalay hogaamiyaha sare ee kooxda Daacish oo la dilay (Daawo Sawirro)

Wiil uu dhalay hogaamiyaha kooxda Daacish, Abuubakar al Baqdaadi, ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya, sida ay ku warrantay wakaalada wararka amaq ee kooxda IS u faafisa wararka.

Hudayfa al-Badri ayaa ku dhintay hawlgal kumaandos oo ka dhan ahaa xukuumadda Suuriya iyo Xoogagga Ruushka, meel dabka laga dhaliyo oo ku taalla gobolka Xums, sida lagu qoray farriin la soo dhigay barta Telegram.

Faahfaahin dheeraad ah lama bixin, laakinse waxaa lagu daray muuqaalka ninkaas dhallinyarada ah oo middi haysta.

Halka uu ku sugan yahay aabihiis – oo magaciisa runta ah uu yahay Ibraahin Cawad Ibraahim al Badri – ayaan la ogeyn, laakiin farriintu waxay muujinaysaa inuu weli nool yahay.

Baqdaadi oo madaxiisa la dul dhigay $25 malyan, waxaa dhowr mar la sheegay in la dilay ama la dhaawacay.

Warkiisa lama maqlin tan iyo Siteembar 2017, markaasoo uu taageerayaashiisa ka codsaday inay weerar ku qaadaan reer galbeedka, ayna sii wadaan dagaalka Suuriya iyo Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka oo dacwad ka gudbiyey DF & Uhuru Kenyatta oo cadaadis wajahaya

Caydiid Ali

Warbixino cusub oo laga helay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

Caydiid Ali

Lacagta Israa’iil xalay kaliya uga baxday ka-hortaga duqeymihii Iran oo la Shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---