Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo codsi u dirtay Shacabkeeda iyo Ajaaniibta kale ee dalkeeda kunool

Dalka Ukraine ayaa galay marxalad dagaal oo adag, waxaana dagaal xooggan iyo duqeymo ka socdaan magaalooyin dhoor ah ay kamid yihiin Caasimadda Kyiv iyo magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn Kharkiv.

Xukuumadda Ukraine ayaa ugu baaqday dadka ajaaniibta ah ee kunool dalkeeda in ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka, waxa ayna dowladda sheegtay in ay sameeneyso guuto loogu magacdaray ”guutadda caalamiga ah”.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in sameynta guutadan ajaaniibta ah ee gacan siinaya ciidamada Ukraine ay cadeeneyso muhiimada iyo taageerada ay dalkooda u hayaan dadka ajaaniibta ah ee kunool.

Dhinaca kale milatariga Ukraine ayaa dadka shacabka ugu baaqay in ay hubka qaataan una diyaar garoobaan dagaalka, waxaana shacacabka tababarayo iyo casharo la xariira sida loo dagaalamo loona sameeyo bambooyinka u marinayaan warbaahinta.

Saraakiisha milatariga Ukraine ayaa sidoo kale dadkooda ugu baaqay in gabi ahaan bur buriyaan calaamadaha wadooyinka magaalada Kyiv iyo magaalooyinka kale  si Ruushka ay ugu wareeraan wadooyinka waa weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI&t=38s

Related posts

Amaanka magaalada Muqdisho oo isbadal weyn lagu sameeyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo fasaxay Mashruuc hub iyo diyaarado looga iibinayay Dowlad Carbeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---