Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo goordhaw loo doortay Xildhibaan

Waxaa saakay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka socota doorashada xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka , waxaana maanta magaaladaasi lagu wadaa in lagu doorto ilaa lix Xildhibaan.

Kursiga tirsigiisu ahaa HOP032 ayaa goordhaw lagu doortay magaalada Baledweyne, waxaana kursigan ku tartamayay Xildhibaankii horey ugu fadhiyay Xildhibaan Khaliid Cabdi Cumar oo ah Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Musharax Axmed Cumar Gurey.

Doorashada kursigan waxaa ku guuleestay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo helay 81 cod halka musharaxii la tartmayay  Axmed Cumar Gurey isna helay 10-cod, waxaa halaabay ilaa 7-cod.

Doorashada ka socota magaalada Baledweyne ayaa lamid ah doorashada ka socota magaalooyinka kale ee dalka oo intooda badan loo xilray Shaqsiyaad si gaar ah loo wato ,kuwaa oo ay la tartamayaan xubno malxiis ah ay soo qorteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Jowhar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Safiirka Somalia Kambala oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda

Caydiid Ali

Sadax sano kadib xukumada RW Khayre ma qabatay waxyabihii laga filayey Maxaysan qaban !!

admin
Taboola Ads ---