Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo hanjabaad culus soo saaray & Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in ciidankoodu qaadi doonaan wax lagu tilmaamay duullaankii ugu waynaa oo lagu doonayo in lagu soo afjaro iska caabinta xooggan militry-ga Ukraine ku sameeyeen ciidamada Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu hawadiisa ka mamnuucay dhammaanba diyaaradaha ay leeyihiin dalalka hawadooda ka mamnuucay diyaaradihiisa.

Dagaalka xooggiisa ayaa iminka ka socda bartamaha magaalooyinka Kyiv, Odesa oo koonfurta ku taal iyo Kharkiv oo dhacda waqooyiga-bari ee Ukraine sidaasi waxaa sheegay Madaxweyne Zelensky.

Ruushku waxay sheegteen inay qabsadeen magaalada Melitopol, laakiin si madaxbannaan looma xaqiijin, walow internet-ka ay wareegayaan muuqaallo muujinaya ciidamo iyo dabaabaadka Ruushka oo hor taagan saldhig tareen oo Melitopol ku yaal, iyadoo calanka Ruushka la suray albaabka maxaddada tareenada.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 120,000 kun oo qof ay ka qaxeen dirirta Ukraine muddo 48 saac gudaheed ah.

Ciidamada Jamhuuriyada Jejniya ee aadka u tababaran ayaa ku biiray dagaalka, iyagoo gacan siinaya Ruushka, sidaasi waxaa wakaaladaha wararka u sheegay Ramzan Kadyrov Madaxweynaha Jamhuuriyada Jejniya ee Ruushka.

Giriiga ayaa Isna sheegay inay dhinteen 6-ka mid ah muwaadiniintooda halka ay dhaawacyo soo gaareen tiro intaa leeg kadib duqaymo Ruushku uu ka gaystay Magaalada Mariupol oo ku taala koonfurta bari ee Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2cGBYj_Ys0U&t=2s

Related posts

Daawo:-5 wasaaradood oo ku yaalla aagga KM4 & Zoobe oo cabsi laga sheegay & Jubaland oo….

admin

RW Khayre oo markii ugu horeysay ka hadlay doorashada hogaanka cusub ee K/Galbeed

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo la sheegay in ay Itoobiya ka codsatay Sii deynta Qalbi Dhagax !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---