Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Xowligii uu ku socday howlgalka ciidanka Ruushka ee Ukrine oo hoos u dhacay

Ciidamada Ruushka ee ku sii siqaya Kyiv iyo magaalooyin kale oo muhiim ah, taasi oo qeyb ka aheyd qorshe la doonayay in “lagu rido” dowladda Ukraine ayaa haatan u muuqda mid lumiyay xowligii uu ku socday, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo kuwa reer Galbeed ah.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ukraine ay hakiyeen ololihii Kremlin-ka ee lagu doonayay in lagu qabto Kyiv, islamarkaana isaga looga saaro magaalada.

“Waan ka carqaladeynay qorshahoodii” ayuu hadal muuqaal ah ku yiri hoggaamiyahan 44 jirka ah, isagoo sheegay in ciidamada Ukraine ay gacanta ku hayaan caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka waaweyn ee ku hareeraysan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa qiyaasay in dagaalka Kyiv oo sii xoogeysan doono. “Kyiv waxa ay dooneysaa fiiro gaar ah, ma lumin karno caasimadda,” ayuu yiri.

Zelenskyy ayaa maanta Twitter-kiisa ku qoray in uu la hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Waxa uu sheegay in hub iyo agab kaleba ay ku soo wajahan yihiin Ukraine kuwaasi oo ka imanaya dalalka ay xulufada yihiin.

Qaraxyo iyo rasaas ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay caasimadda Ukraine ee Kyiv, xilli ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ay ku dagaallamayeen gacan ku haynta magaalada.

Dhisme aad u dheer oo ku yaalla caasimadda ayaa gelinkii hore ee Sabtida maanta ah la garaacay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegay in dhismaha uu ku dhacay gantaal ay tuureen ciidamada Ruushka. Ma jiro wax khasaare ah oo la soo wariyay. Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya qeybta sare ee dhismaha oo burbur xoogani gaaray.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku booriyay muwaadiniinta dalkaasi in ay gacan ka geystaan sidii Kyiv looga difaaci lahaa ciidamada Ruushka. Saldhig ciidan oo ku yaalla caasimadda ayaa la weeraray balse militariga Ukraine ayaa sheegay in weerarka la iska caabiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2cGBYj_Ys0U

Related posts

Ciidamada Dowlada oo toogtay Nin gowracay Xaaskiisa oo Xaamilo aheyd !!

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey Baladweyne iyo qaraxyo kale oo goor dhow ka dhacay

Caydiid Ali

Sirdoonka Soomaaliya oo shaaciyay magacyada lix sargaal oo weerar lagu dilay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---