Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

NATO oo ciidamada Jawaabta deg dega ah bixiya ku daabuleysa Bariga Yurub

Xoghayaha guud ee isbahaysiga Nato Jens Stoltenberg ayaa wariyeyaasha u sheegay in Nato ay ciidamadeeda jawaabta degdegga ah bixiya ee dhulka, cirka iyo badda ku daad gureysay Bariga Qaaradda Yurub.

Waxa uu yidhi: “Qaybta amniga waxa ay horayba u xoojisay difaaceenna”.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Yurub ayuu sheegay in ay kumannaan askari u direen gobolka.

In ka badan 100 diyaaradaha dagaalka ah ayaa hadda ka howlgalaya ilaa 30 goobood oo laga difaaco Yurub, waxaana wehlinaya in ka badan 120 markab, sida uu sheegay Stoltenberg.

Waxa uu sarkaalkan hoosta ka xariiqay in ciidamada la geeyay halkaas ay difaaci doonaan “taako kasta oo ka mid ah dhulka ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah Nato” isagoo intaas ku daray inay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan Ukraine iyo dalalka kale ee khatarta ugu jira howlgalka uu Ruushku ka billaabay gobolka – sida Georgia, Moldova iyo Bosnia.

Waxaa xusid mudan in Nato ay horay u sheegtay inaysan ciidan u diri doonin dalka Ukraine, oo aan xubin ka ahayn isbahaysigaas, waxaana dalkaasi qarka u saaran yahay in gabi ahaan Ruushka lawada wareego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=EAUdvOOZ9Mk&t=75s

Related posts

Turkiga oo Dacwado kusoo oogay 20-Xubnood oo ku lug lahaa dilkii Jamal Khashuqji

Cabdi Cade

(Daawo): Jaaliyada Soomaalida ee London oo tacsi & duco u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho

admin

Macalin Iskuul oo dil argagax leh magaalada Muqdisho ugu geestay Xaaskiisa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---