Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa loogu baaqay in ay si deg deg ah ula xiriiraan safaarada dowladda Soomaaliya ku leedahay dalalka Jarnalka iyi Biljimka.
Qoraalka kasoo baxady Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u qornaa sida tan.
Daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ukraine
Marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka Ukraine, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, oo ay ku jiraan ardaydu, in ay la xiriiraan Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, looga na daadgureeyo dalkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee lagaga daadgurayn karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kale na ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda.
Kala xiriir Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Berlin:
Magaca: Maxamed Cabdi Kulmiye
Email-ka: berlinembassy@mfa.gov.so
Lambarka: +49 176 704 59 491
Kala xiriir Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels:
Magaca: Cumar Maxamuud Wardheere
Email-ka: service@somali-embassy.be
Lambarka: +32 466 227 727