Ciidamada Ruushka ayaa weerar culus oo cir iyo dhul ah ku qaaday dalka Ukraine, waxaana qeybo badan oo dalkaasi kamid ah ka socda dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.
Inta badan ajaaniibtii ku sugneed dalka Ukraine ayaa dalkaasi isaga baxsaday, waxaana wali magaalada Kyiv ee caasimadda dalkaasi iyo magaalooyin kale ku go’doonsan ajaaniib qaarkood ku adkaatay in ay baxsadaan.
Soomaali ayaa kamid ah dadlka ku sugan magaalada Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaasi kamid ah, Soomaalida ayaana isugu jira kuwa waxbarasho u jooga, arday iyo dad kale oo dalkaasi siyaabo kale ku jooga.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xabsiyo kuyaalla dalka Ukraine laga sii daayay maxaabiis halkaasi ku xirneed, waxaana maxaabiista lasii daayay tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan sodon qof.
Maxaabiista laga siidaayay xabsiyada dalka Ukraine ayaa u badnaa kuwa dalkaasi qaab tahriib iyo sharci daro ah ku galay, waxa ayna Soomaalidan xabsiyada laga sii daayay iyo ardayda kale ee kunool dalkaasi isku dayayaan in ay ka baxsadaan colaada Ukraine.
Wadamadda caalamka qaarkood ayaa wada dadaalo ay muwaadiniintooda kala baxayaan dalka Ukraine oo weerar culus ku qaaday Ruushka, waxaana ciidamada Ruushka isku dayayaan in ay bur buriyaan dowladda Ukraine lana wareegaan caasimadda dalkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com