Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo ka hadlay doorashadii Banaadiriga ee ka dhacday Muqdisho

RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ku soo baxeen shan Xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha Banaadiriga.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU KU SOO DAABACAY BARTIISA FACEBOOK

Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, waxaanna u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi  horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Waxaan u mahadcelinayaa guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Waxaan rajeynayaa in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay Golaha Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii Kismaayo & Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo xil sare u Magacaabay Cabdiraxiin Ciise Caddow (Akhriso)

Caydiid Ali

Safiirka Türkiye u joogay Khartuom oo ka badbaaday Weerar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---