Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada ciidamada Ruushka looga dilay dagaalka ka socda Ukrine oo la shaaciyey

Xoghayaha Gaashandhigga UK ayaa sheegay dagaalka Ukraine ay ciidamada Ruushka kaga dhinteen 450 askari.

Bell Wallance ayaa intaas ku daray in ciidamada Ruushka tiradaas dagaalka looga dilay ay ku ogaadeen xog sirdoon oo ay heleen.

“Ruushka wuu fashilmay maxaa yeelay Putin wuxuu isu haystay xoreeye balse rabitaankiisa uma rumoobin weli.” ayuu yiri

Wuxruna intaa ku daray ciidamada Ruushka iney ku hungoobeen qabsashada gigada diyaaradaha ku yaalla Waqooyiga Kyiv.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137. wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada sare ee Mareykanka oo xukuntay go’aan hurdo la’aan ku riday Trump

Caydiid Ali

Burcad badeed Markab ka afduubtay xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Qatar oo arrimo ay kamid tahay Shir ka dhacaya Mareykanka kawada hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---