Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Magaaladii 3aad oo soo gebagebeysay doorashada xubnaha Golaha shacabka

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada Afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Magaaladaas.

Kursigii horeeyay ee saaka oo ahaa Hop012 waxaa ku guuleystay Xidhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo markale ku soo laabtay golaha shacabaka ee Baarlamaanka 11 aad ee dalka.

Faa’iso Maxamed Jeyte ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop048 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kursiga saddexaad ayaa waxaa ku guuleysay Cabdirisaaq Aadan Warsame oo tartamayay kursiga nambarkiisu yahay Hop137.

Saabir Nuur Shuuriye oo afartii sano lasoo dhaafay ka mid ahaa golaha shacabka ee barlamaanka dalka ayaa isna markale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop071.

Waxaa sidaas ku dhamaaday 26-ka kursi oo doorashadoodu ay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, waxaana wixii hadda ka dambeeya galmudug ay u gudbeysaa doorashooyinka degaan doorashada 2aad ee maamulkaas oo ah Gaalkacyo.

Dhuusamareeb ayaa noqotay magaaladii labaad ee soo gabegabeysa doorashada xubnaha golaha shacabka, horeyna waxaa uu soo dhamaaday doorashadii ka dhaceysay degmada Baraawe oo si la mid ah Dhuusamareeb lagu doortay 26 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa la soo afjaray doorashadii xubnaha golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyadoo shantii Xildhibaan ee ugu dambeysay oo dhamaantood ku cusub baarlamanka dalka saaka la doortay kuwaasoo kala ah:-

1.Omar Shariif Maye (Beesha Moorsho) ahna seyga qaba Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Banaadiriga Marwo Sacdiyo Aweys Cali Boolaay

2.Abdurahman Abdulkhadir Adde (Beesha Shaashi)

3.Mohamud Jeego (Beesha Bandhabow)

4.Shariif Mustaf (Beesha Asharaf)

5.Khadiija Mohamed Makhzuumi (Beesha Reer Shiikh) Waa danjiraha Somalia u fadhiya dalka Pakistan, waxayna u dhaxdaa C/kariin Xuseen Guuleed oo ka tirsan Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia.

Illaa 8 degaan ayey weli ku harsan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka iyadoo saddex degaan doorasho oo ka mid ah aaney weli bilaabin, waxayna kala yihiin Garbahaarey, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Somaliland?

Caydiid Ali

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Canada

Cabdi Cade

Askari Ilaalo u ahaa Wasiir katirsan Dowladda oo dil geestay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---