Iyadoo dunidu ay ka carootay duullaankii Ruushka ee muddada dheer la sugayay ee Ukraine, ayaa muwaadiniinta Ruushka waxay isu abaabuleen mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan tallaabada milateri ee uu qaaday, iyadoo booliiska Ruushka oo arrintaas ka jawaabaya ay 1,745 qof ku xirxireen 54 magaalo oo Ruush ah, ugu yaraan 957 ka mid ahina ay ku sugan yihiin magaalada Moscow.
Boqolaal qoraalo ah ayaa soo baxay iyagoo cambaareynaya falkii gardarada ahaa ee Moscow. Vladimir Putin ayaa weerarka ku tilmaamay “hawlgal ciidan oo gaar ah” si dadka rayidka ah ee bariga Ukraine looga ilaaliyo “xasuuq” –
Iyadoo firirka laga maqlayo magaalada Kyiv ee caasimadda Ukrain, qaraxyo waaweyna laga maqlayey halkaas iyo magaalooyin kale, ayaa shacabka Ruushku waxay saxiixayeen waraaqo furan iyo codsiyo online ah oo ay ku dalbanayeen in Kremlin-ka joojiyo weerarka
“Aad ayaan uga walwalsanahay dadka, waxaan ka walwalsanahay ilmo, Waxaan daawaday telefiishanka tan iyo saaka, daqiiqad kasta, si aan u arko haddii ay wax isbedelaan. Nasiib darro, waxba.” ayay tiri Zoya Vorobey, oo deggan Korolyov, oo ah magaalo ku taalla duleedka Moscow,”
Dhowr qof oo caan ka ah Ruushka oo ay ku jiraan qaar ka shaqeeya TV-ga dowladda, ayaa ka hadlay weerarka. Yelena Kovalskaya, oo ah maamulaha barnaamijka Masraxa Moscow ee TVga dowladda ayaa Facebook-ga ku shaacisay inay iska tagtay shaqadeeda, iyadoo leh “Suuragal maaha in loo shaqeeyo gacan-ku-dhiigle oo uu mushahar ka qaato.”
Guddiga dambi baarista ee Ruushka ayaa soo saaray digniin isagoo xasuusiyay dadka Ruushka ah in mudaaharaadyada aan la ogolayn ay sharciga ka soo horjeedaan.
In kasta oo uu cadaadis kala kulmay maamulka, in ka badan 1,000 qof ayaa isugu soo baxay bartamaha Moscow fiidnimadii Khamiista, iyagoo ku dhawaaqaya “Maya dagaal!” iyadoo baabuurtii meesha marayey ay hoonka garaacayeen.
Boqolaal ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddooyinka St. Petersburg iyo daraasiin kale oo ka tirsan magaalada Yekaterinburg.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=3s