Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashooyin natiijadooda la sii ogyahay oo ka socda Muqdisho iyo Dhuusamareeb

Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo jimco ah waxaa lagu qabanayaa doorashada shanta Xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee metalaya Beelaha Banaadiriga.

Guddiga Maamulka Doorashada Banaadiriga ayaa diiwaan-geliyey Musharixiin dooneysa inay u tartamaan shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, isla markaana la siiyay shahaadada Musharaxinimo

Doorashadan ayaa waxaa loo qabanayaa kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP266, HOP105, HOP034, HOP265 iyo HOP084

Doorashadan oo lagu waday in la qabto 21-kii bishan Febraayo ayaa dib loo dhigay ka dib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu hakiyey cabasho ka timid qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Beelaha Banaadiriga awgeed.

Qaar ka mid ah beelaha iyo musharaxiinta banaadiriga ayaa qaadacay doorashada iyagoo ku eedeeyey xafiiska RW Rooble inuu fara gelin qaawan ku sameeyey isla markaana kuraastooda loo xiray musharaxiin gaar ah.

Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xiray waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira doorashada Maanta ka dhaceysa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye

Musharaxiinta Banaadiriga ee la Guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimo iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan ayaa kala ah:

1.Omar Shariif Maye (Moorsho) ahna seyga qaba Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Banaadiriga.

2.Abdurahman Abdulkhadir Adde (Shaashi)

3.Mohamud Jeego(Bandhabow)

4.Shariif Mustaf(Asharaf)

5.Khadiija Mohamed Makhzuumi (Reer Shiikh) Waa danjiraha Somalia u fadhiya Pakistan, waxayna u dhaxdaa C/kariin Xuseen Guuleed oo ka tirsan Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia.

Dhinaca kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacaya maanta doorashada afar ka mid ah kuraasta golaha shacabka kuwaasoo la sii ogyahay cida ku soo baxeysa

1-Kusiga HOP012 oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale waxaana ku tartamaya isla Yuusuf Xeyle Jimcaale oo la filayo inuu soo laabto & Caasho Cali Xabeeb.

2-Kursiga HOP048 oo uu ku fadhiyo Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa loo bedelay Qoondo Dumar, waxaana isku soo taagay tartamaya Faa’iso Maxamed Jeyte oo la filayo iney ku soo baxdo iyo Dheyman Cali Xassan.

3-Kursiga Hop137 oo uu ku fadhiyo Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim ayaa ku tartamaya Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo la filayo inuu ku soo baxo iyo Deeqo Maxamed Cabdalla.

4-Hop071 ayaa waxaa ku tartamaya Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo kursigan horay ugu fadhiyay & Saciid Khaliif Xersim waxaana loo xiray kursigan Wasiirka oo ku soo bixi doona.

https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=3s

Related posts

Dacwada Badda Soomaaliya Muran Siyaasadeed Ma Gasho xiligan adag !!

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo xabsi kasii deysay 35-nin oo u dhashay dalka Iiran oo xirnaa

Cabdi Cade

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo xabsi la dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---