Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Mareykanka oo soo qabtay ninkii dilay Imaam Shiikh Mohamed Hassan Aadan

Booliska Mareykanka ayaa qabtay, xabsigana u taxaabay nin la sheegay inuu yahay qofkii dilay Imaam Shiikh Dr. Mohamed Hassan Aadan oo ka mid ahaa Soomaalida ku noo dalkaas

John W. Wooden Jr. ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka uu u geystay Imaam Dr. Mohamed Hassan Adam. Sidda warqada dacwada lagu soo oogay ku qoran, ninkan Sheekha dilay ayaa la sheegya in uu yahay qof danbiyo kala duwan horay u soo galay oo xabsi ka soo baxay bishi March 2021.

Booliska Mareykanka ayaa waxay sheegeen inay baaritaan dheeraad ah ku sameeynayaan Ninka loo heysto dilka Imaam Sheekh Maxamed kadibna wixii kasoo baxa ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Imaam Dr. Mohamed Hassan Aadam oo la waayey bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maalintii xigtay maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey.

Wooden, oo la xiray Febraayo 18, ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago Jimcaha maanta ah, lamana cadeynin sababta uu dilay Imaamka oo illaa hadda ah su’aal taagan oo la isweydiinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=3s

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Cabdiraxmaan Maadey (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Todoba gaadiid xamuul ah oo lagu gubay duleedka degmada Afgooye

Caydiid Ali

Muddo kordhin loo sameenayo Madaxda maamulada iyo Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---