Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay abaabul guud oo lagu wajihi doono ciidamada Milatariga ee Ruushka.
Arintan ayaa timid kadib markii Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Ukraine ay mamnuucday iney Dalka Ka baxaan ragga ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 60 jir.
Volodymyr Zelenskiy ayaa wacad ku maray inuu sii joogi doono Kyiv, iyadoo ciidamadiisa ay dagaal kula jiraan duullaanka Ruushka ee ku soo wajahan caasimadda, waana weerarkii ugu weynaa ee lagu qaado dowlad reer Yurub ah tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka.
“Cadowgu wuxuu ii magacaabay bartilmaameedka koowaad, qoyskaygana waxa uu ku magacaaban yahay lambarka labaad” ayuu yiri Maaxweynaha
Khudbad muuqaal ah oo ay baahisay warbaahinta Ukraine, ayuu Zelensky ku sheegay inuu ku sugan yahay caasimadda Kyiv goobaha dowladda qoyskiisana ay sidoo kale ku sugan yihiin Ukraine.
Zelensky ayaa sidoo kale ka digay in saraakiisha Ukraine ay hadda hayaan “xog ku saabsan in kooxaha qaswadayaasha cadawgu ay soo galeen Kyiv”.
Volodymyr Zelensky ayaa a saxiixay amar uu ku amrayo abaabul guud.Dhammaan dadka reer Ukrain ee qaadi kara hubka ayaa loogu baaqay inay difaacaan dalkooda hooyo.Sidoo kale waxaa loo yeedhayaa ciidamada keydka ah, sida lagu sheegay wareegtada ka soo baxday oo soconeysa muddo 90 maalmood ah.
Ruushka ayaa weerrar ballaaran oo milateri waxa uu ku ekeeyay dalka koonfurta dariska kala ah ee Ukraine, arrintaas oo ku timid amar uu soo saaray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=3s