Duqa Magaalada Kyiv ayaa soo rogay bandow Khamiistii ka dib markii Ruushka uu galay Ukraine, caasimaddana waxaa ka dhawaajisay maata oo dhan dhawaqa rasaasta, iyo qaraxyada.
Dad badan ayaa isku dayay inay u cararaan meelaha nabdoon, iyagoo adeegsanaya gaadiidka, qaarkood waxay gabaad ka dhiganayaan dhismayaasha waaweyn, halka qaar kalena ayba isku dayayaan iney magaalada ka baxsadaan
Qiiq madoow ayaa ka kacay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ka dib markii uu ku habsaday gantaal ababay burbur, waxaana saraakiisha ay sheegeen in garoon diyaaradeed oo u dhow la weeraray.
Laakiin dadku way dhego-adaygeen markii duqa magaalada Vitaly Klitschko uu ku dhawaaqay bandow laga bilaabo 10-ka fiidnimo ilaa 7da aroornimo.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa doortay inay joogaan, waxayna istaageen safaf dhaadheer oo ka baxsan bangiyada iyo dukaamada iyagoo rajeynaya inay lacag soo qaataan oo ay kaydsadaan. Laakiin qaar kale waxay soo gurteen boorsooyin iyo shandad waxayna raadiyeen meel ay magaalada ka baxaan – bas, baabuur ama diyaarad.
“Waan baxayaa sababtoo ah dagaal ayaa bilaabmay, Putin ayaa nagu soo weeraray,” ayay tiri Oxana, oo ku dhegtay saxmadda baabuurta iyadoo gabadheeda saddex jirka ah ay ku fadhido kursiga dambe. “Waxaan ka baqaynaa duqeyn.”
Waxay sheegtay in ujeeddadeeda ugu dhow ay tahay inay ka baxdo Kyiv, oo ah magaalo ay ku nool yihiin ilaa 3 milyan.
Xitaa ka dib toddobaadyo digniino ah oo ay bixiyeen siyaasiyiinta Ukrain iyo reer galbeedka ee ku saabsan in weerar Ruushku soo wajahan yahay, dadka qaar ayaa la qabsaday.
“Ma aanan fileyn tan ilaa saaka waxaan rumaysnaa in aysan waxba dhici doonin,” ayuu yiri Nikita, oo ah 34 jir ku takhasusay suuqgeynta, isaga oo saf dheer ku sugayay dukaan weyn oo ay ku jiraan dhalooyin biyo ah oo ay ku badan yihiin gaarigiisa wax iibsiga. . “Waan soo xirxiray, waxaan iibsaday cunto waxaana la joogi doonaa guriga qoyskayga.”
Qof socoto ah oo ku sugnayd gegida dayuuradaha oo magaceeda ku soo koobay Gulnara ayaa sheegtay in duulimaadkeedii Baku la joojiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=3s