Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal Saddexaad oo ku biiray dagaalka culus ee u Dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Waxaa maanta si rasmi ah u qarxay dagaal cir iyo dhul ah oo u dhaxeeya dowladaha Ruushka iyo Ukrine, Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaana bixiyay amarka lagu weeraray dalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay xadka dalka Ukrine, waxa ayna ciidamada weeraro culus iyo duqeymo la beegsanayaan xeryaha milatari ee Ukraine iyo sidoo kale garoomada diyaaradaha.

Dagaalka ka dhax qarxay Ruushka iyo Ukarine ayaa la sheegay in uu kusoo biiray dalka Belarus oo taageeraya ciidamada Ruushka ee duulaanka ku qaaday Ukraine, waxaana la sheegay in ciidamada Belarus in qeyb ka yihiin duulaanka lagu qaaday Ukraine.

Masuuliyoon katirsan dowlada Ukraine ayaa warbaahinta u sheegay in duulaanka dalkooda lagu soo qaaday qeyb ka yihiin ciidamada dowlada Belarus, kuwaa oo kasoo talaabay xadka ay la wadaagaan .

Ciidamada Belarus ayaana weerar ku qaaday ciidamada Ukraine ee joogay dhinaca Waqooyi ee dalkaasi, waxaana dagaalka kaga furan yahay ciidamada Ukraine dhoor jiho taa oo jahwareer galisay ciidamada dalkaasi.

Dowlada Ruushka ayaana ku hanjabtay in ay bur burineyso awoodda milatari ee Ukraine , waxaana duulaankan laga cabsi qabaa in faraha kasii baxo ayna kusoo biiraan wadamo kale oo labada dhinac lakala safan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=wjwyaVuyeMw

Related posts

Blinken oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine & Ruushka oo si kulul uga hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi hore oo ka mid noqday dad saaka lagu dilay duleedka Baydhabo

Caydiid Ali

(Sawirro) Xamse Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo loogu talo galay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---