Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo Weerar Cir iyo dhulka ah ku qaaday Ukrine iyo Xaalada Dalkaasi oo faraha ka baxday

Ciidamada milatariga Ruushka ayaa duulaan xooggan ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Ukrine, waxa ayna ciidamada oo wata hubka culus ee dabaabaadka gudaha u galeen gobolo katirsan dalka Ukrine.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa bixiyay amarka ciidankiisa ku galeen dalka Ukraine, waxaana si toos ah u qarxay dagaalkii mudooyinkan dambe ay ka digayeen wadamada Reer Galbeedka ah.

Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka u adeegsanayaan hubka culus sida gantaalo , diyaarado iyo gawaarida gaashaamaan, waxaana xaalad adag oo jahwareer ah ka taagan yahay qeybo badan oo dalka Ukrine kamid ah.

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ayaa beegsanaya garoomo diyaaradeed , xarumo dowladeed iyo goobo kale oo bartilmaameed u ah, waxaana duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukrine yahay mid aad u culus.

Boqolaal askari oo katirsan ciidamada Ukraine ayaa ku dhintay duulaanka ciidamada Ruushka oo saacado kahor bilowday, waxaana adag in si rasmi ah loo ogaado khasaaraha ka dhashay duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukrine.

Shan diyaaradood oo nuuca dagaalka oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in laga soo riday hawada gobolka Donbass ee dalka Ukrine, ka hor inta aysan Moscow sheegan in ay la wareegtay maamulka hawada sare ee Ukrine.

Duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukrine ayaa laga cabsi qabaa in uu abuuro xaalad halis ah oo dunidda kusoo kororta, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka kusoo biiraan ciidamada Gaashaanbuurta NATO oo xulufo la ah dowlada Ukrine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=wjwyaVuyeMw

Related posts

Daacish oo War ka soo saartay qarax saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :-Maxaa sababay in saddex jeer la Cadaabo qoomkii loo diray Nebi Shuceyb CS?

admin

Ciidamada Itoobiya oo Weerar Gaadmo ah ku dilay Ciidamo katirsan Milatariga Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---