Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Shiinaha oo ergay cusub u soo Magacowday dalal Somalia ay ku jirto

Dowlada Shiinaha ayaa u magacawdey Shu Bing oo ah diblomaasi sare inuu noqdo ergeygooda gaarka ah ee Geeska Afrika, oo ah meel ay colaado ka jiraan sida Ethiopia, Eritrea iyo Somalia.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada Shiinaha Shu ayaa hore u soo noqdey safiirkii Shiinaha ee Papue New Guinea, waxaana uu waayo arag u yahay Afrika, iyo America.

Howsha ergeygan ayaa noqoneysa inuu qaaradda ka iibiyo siyaasadda Shiinaha ee ay u yaqaanaan horumarin Nabad ah.

Wasiirka Arrimaha Dibada Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu booqdey Bariga Afrika in magacaabistan ay qorsheynayeen.

Danaha Shiinaha ee Geeska Afrika oo ay ka mid tahay xarunta ciidamada ee badda ee dalka Jabuuti, oo ah mid ilaalineysa marinka dunida ee maraakiibta. Beijing ayaa siisey deyn dalka aan badda laheyn ee Ethiopia, Ethiopia oo ku tiirsan ganacsiga kasoo dega Djibouti.

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=wjwyaVuyeMw

Related posts

Dowlada Mareykanka oo ergay cusub u soo magacowday geeska Afrika

Caydiid Ali

Wasiirka Difaaca oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Laftagareen

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay safiiro dalal reer galbeed ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---