Allbanaadir.com
NEWS

Bakhaaro hub ugu keedsanaa Ciidamada AMISOM oo gubtay iyo qaraxyo waa weyn oo…

Saldhig ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin degaanka Haansheekh oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka kacay dab xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

Dabkan oon wali si rasmi ah loo shaacin waxa dhaliyay ayaa ku fidiya qeybo kamid ah xerada ciidamada gaar ahaan bakhaaro hub ugu keedsanaayeen ciidamada AMISOM iyo goobo kale ay ciidamada degnaayeen.

Xerada gubaneysay ayaa la sheegay in laga maqlayay dhawaqa qaraxyo iyo rasaasta ku jirtay keydka hubka ee gubtay, waxaana dadka ku dhaqan degmada Balcad iyo deegaano ku dhaw dhaw u qaateen in halkaasi dagaal ka socday.

Talisa ciidamada AMISOM ayaan wali ka hadlin xerada ciidankooda ee dabku qabsaday iyo khasaaraha ka dhashay dabkaasi iyo keydka hubka ee gubtay, mana jiraan ilo kale oo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha halkaasi ka dhashay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Haweeney 80 jir ah oo dhac u geysatay Banki ku yaalla Mareykanka

Caydiid Ali

Maxaa kasoo baxay Shirkii Taliyaasha Ciidamada Dowlada ku yeesheen Muqdisho ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ibrahim Mete iyo masuuliyiin kale oo la socotay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---