Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Faah Faahino kasoo baxaya dil dad badan ka naxeen oo ka dhacay Magaalada Baraawe

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaasi askari katirsan ciidanka booliiska uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Askariga dilka geestay oo la sheegay in uu cabsanaa ayaa muran waxaa dhax maray isaga iyo wiil dhalinyaro ah, muranka kaddib ayaana la sheegay in askariga dilay wiilka la murmay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Kenya.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Baraawe Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane ayaa sheegay in askariga dilka geestay uu baxsaday, waxa uuna xusay in ciidamada ammaanka wadaan howlgalo lagu soo qabanayo askariga dilaaga ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baraawe ayaa aad uga naxay dilka wiilka dhalinyarada ah loogu geestay magaalada Baraawe, waxa ayna shacabka dareen cabsi ka muujiyeen ciidamada maandooriyaha isticmaala ee mararka qaar dilalka iyo dhaca u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawiro) Goobta uu ka dhacay weerarka lagu qaarajiyey Abuu Bakar Al-Baqdaadi

Caydiid Ali

Lacagta Israa’iil xalay kaliya uga baxday ka-hortaga duqeymihii Iran oo la Shaaciyay

Cabdi Cade

Baraha Twitterka ee Madax iyo Maalqabeeno caan ah oo si baahsan loo jabsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---