Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsana Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Kaasoo caawa ku geeriyooday India.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo u geeriooday xanuuno mudooyinkan uu la ildarnaa..

“Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha’unaxariistee Xildhibaan Bashiir Askar Xuseen oo ka tirsana Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Kaasi oo hadda la isoo sheegay in uu ku geeriyooday India.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Eheladii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday, marxuumka alle janadii ha geeyo aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4&t=4s

Related posts

Dacwad ka dhan ah sharci uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay oo loo gudbiyay Maxkamada sare

Cabdi Cade

Dowlada Qatar oo albaabada ka xiratay Farmaajo iyo Rooble oo ka Faa’iideesanaya !

Cabdi Cade

Qorshe Madaxda Dowlada Federaalka looga qeyb galinayo Shirka Dhuusomareeb oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---