Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay sababta ay mudooyinkan u soo kordheen Weerarada Al-Shabaab?

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in markii lagu mashquulay siyaasadda iyo doorashada ay kordhisay Al-Shabaab weerarada ay ka wado gudaha Somalia.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ciidamadaas ayaa ka hadlay ammaanka guud ee dalka iyo weerarada Al-Shabaab.

“Waxaad moodaa siyaasadda xageeda iyo doorashada markii loo jeestay argagaxisadu waa naga soo daba jeesteen, waxaad moodaa inay shaqdooda kordhiyeen,” ayuu yiri taliyaha Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Al-shabaab ayaa weeraro kala gedisan oo dhiig badan ku daatay ka fulisay magaalooyinka dalka qaarkood xili lagu mashquulsan yahay doorashooyinka xubnaha golaha shacabka.

Dhanka kale taliyaha ayaa faray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo inay u diyaar garoobaan ka hortegga weerarada Al-Shabaab iyo sugida amniga guud ee dalka.

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4&t=4s

 

Related posts

Dhacdo argagax leh: Haweeney caawa dishay seygeeda oo ahaa Macalin Dugsi Quraan

Caydiid Ali

Xisbiga dowlada ee Nabad & Nolol oo maanta si rasmi ah loo diiwaan geliyey

Caydiid Ali

Sheekh Saalim Ibraahim oo loo doortay Muftiga Guud ee dalka Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---