Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab & 60 dagaalyahan

Guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandoska Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degaanada Fiidow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burco-dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan waxay sheegeen iney dileen in ka badan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayna gubeen xarumo ay laheyd kooxdaas

G/lle Xasan Maxamed Cismaan (Tuure) oo ciidankan hogaaminayey ayaa sheegay  in sidoo kale Howlgalka lagu dilay Amiirkii Jabhadaha Hiiraan u qaabilsanaa Al-shabaab.

Waxaan sidoo kale burburinay xarumo Qaraxyada lagu farsameyn jiray iyo goobo ay argagixisada ku qaadan jireen lacago Baad ah” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray iney sii socon doonaan howlgalada tan iyo inta ay dalka oo dhan ka ciribtirayaan Al-Shabaab sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4&t=4s

 

Related posts

Dowlada Somalia oo la sheegay in ay Itoobiya ka codsatay Sii deynta Qalbi Dhagax !!

Cabdi Cade

Taliye Xijaar oo ciidan ka tirsan Booliska tababar ugu soo xiray Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ku baaqay in la ciribtiro kooxda Xamaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---