Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qarax lagu dilay Wadaad Soomaaliyeed oo caan ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay qarax gaari uu watay loogu xiray mid kamid ah wadadaada Soomaaliyeed, kaa oo la sheegay in uu qaraxa ku dhintay.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooska lagu magacaabo Soomaali Star oo kuyaalla magaalada Kismaayo , waxaana qaraxan lagu soo xiray gaari uu watay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda caanka ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo watay gaariga la qarxiyay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray baarisna ka sameeyay ciidamada booliiska iyo Nabad Sugida Jubbaland.

Wadaadka qaraxa lagu dilay ayaa la sheegay in dhawwaan tagay magaalada Kismaayo , isagoona horey ugu noolaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, lamana oga cida ka dambeesay qaraxa lagu dilay Sheekh Cabdinaasir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://m.youtube.com/watch?v=uT2zSGGYrQ4

Related posts

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo olole cusub ka bilaabay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo kulan xasaasi ah la qaatay Shiikh Shariif & Xog laga helay

Caydiid Ali

Iran oo Farriin hanjabaad cabsi galin ah u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---