Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

La taliyaha Farmaajo oo ku hungoobay kursi xildhibaanimo oo uu Kismaayo ka doontay

La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxwaynaha xiligiisu dhamaaday Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP072 oo yaalla Magaalada Kismaayo.

Cabdi Cali Raage oo mar ay saaxiibo dhow ahaayeen Axmed Madoobe ayaa sheegay in maanta uu tagay Kismaayo, si uu ugu tartamo kursigan, hase ahaatee uu la kulmay is hor’taag.

“Kismaayo Markii aan ka degay waxaan tagay halka laga qaato warqadda amniga, balse waa la ii diiday, mar kale waxaan aaday goobtii shahaadada musharaxnimada laga qaadanayey, balse waxay igu xujeeyeen warqadihii la ii soo diiday, si ku talo gala ah ayaana arrintaas loo sameeyey” ayuu yiri Cabdi Cali Raage.

Waxaa uu xusay in odayaasha Jubbaland u xilsaartay soo xulida ergada kursigaas aysan aheyn kuwii saxda ahaa ee beesha, laguna bedelay kuwo fulinaya danaha Maamulka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayuu ku eedeeyey in beeshiisa uu mudo dheer ku hayey caburin, uuna hadda diyaar u yahay inuu hoggaamiyo kacdoon ka dhan ah maamulkiisa.

Cabdi Cali Raage oo 5 sano ka hor ka tirsanaa Maamulka Axmed Madoobe ayaa sida hadda isaga lagu sameeyey isku hortaagay musharaxiin berigaas mucaaradsanaa maamulka Kismaayo, kuwaasoo doonayey iney soo qaataan kursi xildhibaanimo.

https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k

Related posts

Jubbaland oo gashay xaalad hubaal la’aan ah iyo Walaac dadka lasoo darsay

Cabdi Cade

Amniga caasimadda Muqdisho oo kulan muhiim ah laga yeeshay

Cabdi Cade

Madaxweyne Bangiyo waa weyn ku amray in maal galin ku sameeyaan Eeyaha Alabay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---