Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo iyo khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni xilli ay galayeen magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa ka dhacay sida aan wararka ku helnay koontaroolka laga galo magaalada Boosaaso, waxa uuna haleelay qaraxa mid kamid ah gaadiidkii galbineysay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa ka badbaaday qaraxa miino ee lala eegtay, waxaana qaraxaasi ku dhintay labo askari oo katirsanaa ilaalada Madaxweynaha halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Deni Boosaaso u tagay sidii magaaladaasi looga bilaabi lahaa doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana magaaladasai jooga siyaasiyiin iyo musharaxiin u tartameysa kuraasta gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=9iPt-VA3Xpc

Related posts

Bankiga Amal oo xafiis cusub ka furtay xaafada Sanca ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo xalay xaflad soo dhoweyn loogu sameeyey Baydhabo

Caydiid Ali

Maamulka degmada Luuq oo soo saaray war ka farxiyey dhalinyarada guurdoonka ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---