Allbanaadir.com
NEWS

Taiwan oo Haaf Milyan Dollar ugu deeqday maamulka Somaliland (Daawo Sawirro)

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, ayaa safiirka waddanka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen.
 
Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou, .
 
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uga mahadnaqay Taiwan tallaabada lexejeclada leh ee ay u muujisay shacabka reer Somaliland iyo lacagta ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.
 
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaanba dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay ku daydaan dalka Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo dalka Somaliland ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=9iPt-VA3Xpc

Related posts

Daliban oo gacanta ku dhigtay Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo shaacisay Jadwalka doorashada 5 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay kulankii Farmaajo la qaatay taliyeyaasha sare ee Ciidamada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---