Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo ka qeyb galay gebogebada Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi.
 
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay.
Rooble ayaana ugu baaqay dowlad-goboleedyada dalka inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, iyaddoona xilligii lagu heshiiyay in doorashada gollaha shacabka lagu soo gabagabeeyo kaliya ka harsan tahay afar maalin.
Doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ku matalaya ayaana maanta lasoo gabagabeeyay, waxaana maanta la doortay saddexdii Xildhibaan ee ugu dambeeyay xildhibaanada gobolada Waqooyi.
Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in doorashada gollaha shacabka lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan oo afar maalin ka harsan tahay, maamulada qaar ayaana wali bilaabin doorashada magaalooyinka labaad ,iyadoona xildhibaano badan harsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=15s

Related posts

Dad cusub oo laga helay cudurka COVID-19 & dowlada Somalia oo ka hadashay

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda oo qabtay nin katirsanaa Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Israel oo Jeneraal sare iyo askar looga laayey Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---