Cilmi-baaris ay xuuraansi ku sameeyeen shisheeyaha daneeya maalgashiga Soomaaliya waxey saadaalin horudhaca ku sameeyeen doorashada soo socota ee loogu tartamayo kursiga madaxweynaha Soomaaliya. 20-40 kursi waa kuwo aan lahayn go’aan qaadasho ay ku qanacsan yihiin. 30-40 waa kuraasta uu heli karo haddii mid ka mida madaxda maamul goboleedyada uu u tartamo kursiga madaxweynaha. 50-60 kursi waxaa helaya madaxweynihii hore ee farmaajo haddii uu doorto inuu dib u tartamo. 180-190 kursi waxaa helaya musharaxa la tartamaya Farmaajo oo ka soo jeeda isbaheysiga lidka ku ah Farmaajo. Xogtu waxey intaas ku dartay haddii farmaajo tartanka isaga haro doorashada ka hor iyo kadiba in labada musharax ee tartanka isugu soo hara uu tartanka ku guuleysanayo midka aan horay xil sare aan dowladda uga soo qaban.
Saadaashaas oo ay diblomaasiyiinta ku hawlan Soomaaliya ay heleen ayey dowladda Qatar ku wargelisey canaasiirta ay gacansaarka la lahayd, taasoo argagax filan waa ah iyo kala carar ku abuurtay dembileyaashii ku eedeysnaa bahalnimada ay ku xasuuqayeen shacabka Soomaaliyeed 5 sano oo la soo dhaafay, waxeyna dowladda Qatar u fidisay maalgelin ay ku soo iibsadaan kuraasta xildhibaanada beelahooda si xasanada xildhibaanimo ay gabaad uga dhigtaan inta ay fursad u heleyaan iney dalka isaga baxsadaan.
Dowladda Qatar ayaa markii hore qorsheysay iney gebi ahaanba aqlabiyada baarlamaanka la wareegto, sidaas daraadeedna ay xoog iyo xeeladba ugu xukunto madaxweyne kasta oo ku guuleysta tartanka, hamigaas oo dowladda Qatar ugu muuqday midaan wakhtigan la dhabeyn karin, maxaa yeelay iibsigooda iyo gacan ku hayntooda oo ay ku baxeyso kharash badan, iyo xukuumadii Farmaajo oo ay hanti fara badan ku maalgelisey oo naceyb iyo diidmo ay kala hor yimaadeen shacabka iyo caalamkuba.
Fahad ayaa damacsan hantida uu ka helay Qatar 5 sano oo la soo dhaafay inuu ku noqdo gudoomiye xigeenka Golaha Shacabka, halkaasna uu ku aasaaso kutlad uu maalgelin iyo cabsigelin uu ku maamusho si uu mar labaad u noqdo milkiilaha soo saarta madaxweynaha cusub, wuxuuna Fahad cabsigelinta u adeegsanayaa bahaladii uu horay ugu dhex abuurtay dowladda iyo isagoo ku kalsoon inuu xagga amniga doorashada xeelad ahaan uga adag yahay Rooble, sida haddaba dhacday in goobihii doorashooyinka la geystey ciidamo qaasa oo cabsi geliyey tartameyaasha iyo ergooyinka wax dooranaya.
Rajo badan lagama qabo in Rooble uu wax ka qaban karo boobka doorashada iyo cabsigelinta xildhibaanada la soo doortay oo codkooda si aysan raali ka ahayn looga fara maroojinayo, waxaase isa soo taraya hanjabaada dhabta ah ee ka imaaneysa bulshada caalamka oo qorsheynaya iney eedeysaneyaal badan xogtooda qarsoon ay banaanka soo dhigaan, taas oo ceeb iyo cambaareyn ku noqon doonta hamigooda, iyo shacabka oo diidmo ka muujiya musharaxnimadooda iyo mustaqbalkooda siyaasadeed, waxeyna taas ay dhiirogelin siineysaa in dhamaan eedeysaneyaasha aan la siin shahaadada xildhibaanimo, cidii qaadatana dib looga soo celiyo.
Shacabka Soomaaliyeed waa iney garawsadaan boobka xildhibaanada, cabsigelinta Fahad uu kula dhexjiro xildhibaanada haddii ay dhaliso nin Fahad uu ka dhigtay madaxweyne in dalka doorashadiisa uu ku soo baxo, in dalku dagaal gelayo oo Farmaajo ka dib aysan suurtogal noqon karin in dadka intiisa badan ay xukumaan intooda yar oo ay sida Farmaajo xukunka ku xagsadaan xukun bahalnimo oo xuquuqda iyo xoriyadda shacabka u geesta gaboodfal wuxuushnimo.
Prof. Saciid Ciise MaxamuudÂ
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaÂ
Musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia
https://www.youtube.com/watch?v=GsHlwcG1A7k&t=15s