Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska lagu iibinayo Xirmooyin Shidaalka Soomaaliya, iyadoo xafiisku sheegay inay Gal-dacwadeed ka fureen xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka si sharciga loo marsiiyo shaqsiyaadkii ku lug-yeesha.
Xafiiska ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay inuu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan isagoo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.
Sidoo kale Xafiiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiska.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA HANTI DHOWRKA