Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Boqorada Britain Queen Elizabeth oo laga helay cudurka COVID-19, iyadoo 95 jir ah

Boqorada UK Elizabeth ayaa laga helay cudurka ‘Covid-19’, waxaana sii kordhaya walaaca ku saabsan caafimaadka boqorada ugu xukunka dheer adduunka laba toddobaad ka dib markii ay u dabaaldegtay 70 sano guurada ka soo wareegtay markii la caleemo saaray

Boqoradda oo 95-jir ah, oo si buuxda looga tallaalay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, ayaa afar maalmood ka hor u sheegtay shaqaalaha boqortooyada inaysan wax badan dareemeynin waxayna habeen isbitaalka u jiiftay Oktoobartii la soo dhaafay xanuun aan la sheegin.

“Waxay sii wadi doontaa inay hesho daryeel caafimaad waxayna raaci doontaa dhammaan tilmaamaha ku habboon,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay boqortopoyada

Charles, oo ah dhaxalsugaha boqortooyada UK ayaa horaantii bishan laga helay COVID-19 markii labaad. waxaana la sheegay inuu la kulmay boqoradda maalmo ka hor.

Elizabeth, waxay noqotay boqorad Britain iyo in ka badan 12 dawladood oo ay ka mid yihiin Australia, Canada iyo New Zealand geeridii aabaheed King George VI 6-dii Feberaayo, 1952-kii, xilli ay Kenya ku joogtay safar caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano shaaciyay in xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug

Cabdi Cade

Dagaalka baraha bulshada ee u dhaxeeya Qatar iyo Xulufada Sacuudiga oo sii xoogeestay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Qarax la doonayay in lagu dilo Sargaal Ciidan oo la Fashiliyay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---