Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Batroolka: “Farmaajo ayaa heshiiskan ila ogaa, waxaana lagu qaatay $7 Milyan”

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka ka warramey heshiis la sheegey inay Soomaaliya la gashey shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasoo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Heshiiskan oo xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isul wasarahuba ay diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa ayuu wasiirku sheegey inuu Soomaaliya u yahay fursad dhaqaale iyo mid wax soo saar.

Wasiirka ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskan isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo tilmamay in laga yaabo culeys dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga debcinayo.

“Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo aad ayaan isaga war qabnay muddo dheerna waan ka wada shaqeyneynay heshiiskan, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si gaar ah howshaan iila waday, sababta uu uga hor yimid waa mid aan ula yaabay, waxay ila tahay in markii uu baraha bulshada culeys ka arkay uu dib u gurtay.” ayuu yiri Wasiirka.

Mar uu faahfaahin ka bixinayey heshiiskan ayaa Wasiirku sheegay inuu soo bilowday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana wasaaradiisu ay dhameystirtay

“15-kii bishan ayaan saxiixnay heshiiskan haddii ay wax qaldan ku jiraana ma shaaciyeen, shirkaddan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, haddana waan dhameystirnay, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray, waa heshiis Soomaaliya u horseedaya horumar” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku daray in heshiiskan lagu qaatay 7 milyan oo dollar.

Related posts

Maxay ka wada hadleen R𝗮’𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 iyo 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 Difaaca 𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Sidee C/rashiid Janan loogu soo dhoweeyey degmada Belad-xaawo?

Caydiid Ali

Askari Somali Mareykan ah oo Dacwad lagu soo oogay kana soo muuqday Maxkamad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---