Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo amar siiyey laamaha amniga dalka ka dib qaraxii Baladweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Rooble ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas oo uu ku tilmaamay mid waxashnimo ah,  halka kuwa ku dhaawacmayna uu Alle uga baryay inuu u booga dhayo.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Beledweyne oo ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad aan waxba galabsan. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii dhibtu gaartay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Eebbe ha bogsiiyo’. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.,

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ciidamada ammaanka faray inay xoojiyaan Nabadgelyada goobaha doorashooyinka, ayna ka hortagaan cidkasta oo abuureysa falal lidi ku ah Nabadgelyada.

Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhintay 20 kalana waay ku dhaawacmeen ka dib markii qof ismiidaamiyay uu maanta isku qarxiyay maqaayad ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan maamulka gobolka, siyaasiyiin, dhaqaatiir iyo askar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shaaciyay Sababta Madaxweynaha u furi waayay Kalfadhiga Aqalka Sare

Cabdi Cade

Sidee ku dhacday in qaar kamid ah Ilaalada Axmed Madoobe ku biiraan Al Shabaab ?

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo ka degay Magaalada Baydhabo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---