Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo ka degay Baladweyne

La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goordhow ka gaaray Magaalada Baladweyneee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa Garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ku soo dhaweeyay Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Amaanka garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif ayaa si aan horey loo arag loo adkeeyey galabta ka hor inta uusan gaarin Fahad Yaasiin, waxaana garoonka baaritaan ku sameeyey ilaaladiisa gaarka ah oo shalay dayuurad looga qaaday magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa qaadanaya shahaadada Musharaxnimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasoo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabadhii Nairobi ku afduubatay saaxiibteed Xafsa Max’ed Luqmaan oo la sii daayey

Caydiid Ali

Kulankii Baarlamanka Somalia ee maanta oo u baaqdy sabab yaab leh

Caydiid Ali

Jen. Ameriko oo tababar u soo xiray boqolaal Boolis ah oo ka howlgeli doona..( Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---