Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo Magacaabay Guddi baaris oo ka kooban todobo xubnood (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta amray in la hakiyo doorashada kuraasta beelaha Banaadiriga ayaa kulan deg deg ah la yeeshay guddiga doorashada heer federaal iyo kuwa Banaadiriga.
Rooble oo kulan wadatashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT),  waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadiriga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo kala ah:
 
FEIT
 
1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Guddoomiye
2- Maxamed Aadan Cismaan
3- Cabdi Hiis Udan
 
SEIT Banaadiriga
 
4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay. Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga
5- Saciid Cabdulqaadir Axmed
6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed
 
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
 
7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle La taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha
 
Guddigan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay baaraan cabashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka iyo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyaan talo iyo warbixin ku aaddan arrimaha cabashadu ka taagan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay Ciidanka xabsiga dhexe u diideen xariga Cabdalla Muumin ka dib xukunkiisa?

Caydiid Ali

Duufaano culus oo ku soo wajahan xeebaha Somalia iyo digniino laga bixiyey

Caydiid Ali

Xildhibaanada labada aqal oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2020 (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---